Dhageyso: Dhageyso: QM oo ka walaacsan xaalada bini-aadanimo Ee Soomaaliya

0
222

Muqdisho(INO): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki moon ayaa sheegay inuu ka walaacsan xaalada bini-adanimo ee Soomaaliya.
Banki moon oo shalay ka hadlayay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ka badan 2-million oo Soomaali ah u baahan yihiin gargaar bini-adanimo oo deg deg ah,kuwaasi oo uu sheegay inay Qatar ugu jiraan xaalad macluul ah.

Dhanka kale,xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay adag tahay sidii gargaar dhanka dhulka ah lagu gaarsiin lahaa dadka ku sugan deegaanadii ugu danbeeyay ee laga saaray Al-shabaab,maadama sida uu sheegay shabaab go’doomiyeen.

Banki moon ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay garab istaagaan Soomaaliya oo xilligani ku socota wadadii guusha.

Halkan Ka Dhageyso

Audio Player

banki