Update: Ugaas Nuur “Waxa Baydhabo ka dhacay waxaa masuul ka ah Madaxweyne Xasan”

0
218

Maamulka Lixda Gobol ayaa Qasaaraha ka dhashay rabshadahii baydhabo masuuliyadeeda dusha uga tuuray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye jawaari oo shalay xiligii ay rabdhsahda dhacayeen shir ka furay Magaalada.

Ugaas maxamed nuuroow oo ka mida dadka u olalaynaya Maamulka Lixda gobol ayaa sheegay in masuuliyada Dadka ku waxyeeloobay Rabshadahii shalay ka dhacay ay masuul ka yahiin madaxweyne Xasan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed  Sheekh Cismaan jawaari, waxaan uu intaasi ku daray in Maamulka ay doonayaan in K/Galbeed laga hir galiyo uusan socon doonin.

Shalay ayaa dibad baxayaal ka mid ahaa taageerayaasha maamulka lixda gobol oo horay looga dhawaaqay Baydhabo, waxaa ay dhigeen dibad baxa ay kaga hor jeedaan maamulka sadexda gobol.

Rabshadahaasi ayuu sheegay ugaas nuur in ay ku geeriyoodeen Laba ruux 17 kalana ay ku dhaawacmen , halka Xabsiga la dhigay tiro 30 ka badan,

Magaalada Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladdeedu weli kacsan tahay, saakayna Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda AMisom lagu hareereeyay Xarunta ay ku shiraan Maamulka LIxda Gobol, loona diiday in ay ka soo baxaan ama galaan xubnaha Maamulka Lixda gobol ee dhaliilsan maamulka Sadexda ee loo samaynayo Gobolada koofureed.

Ugaas Nuur

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo