Dhageyso:Aqoonyahan Proff. Muuse Heerow “Maamulka 6 Gobol ayey Shacabku Rabaan”

0
217

Aqoonyahan Ibraahim Muuse Heero oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxa uu sheegay in dawlada madax katirsan ay ka abuurayaan gobolladaasi iska horkeenka Shacabka Gobolladaasi.

Ibraahim-Heerow

Ibraahim Muuse Heero ayaa waxa uu sheegay inay hore usoo jeediyeen in shir dib uheshiisiineed loo qabtay dadka kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo miiska wadahadalka lagu dhameeyo waxyaabaha khilaafka yar yar keenay.

Aqoonyahay Ibaahim ayaa ku Eedeeyey Dawlada inay sandule dadka uga dhigeyso maamulka Seddexda Gobol ayna Shacabka badankiis la jiraan ama ay taageersan yihiin Maamulka Lixda Gobol ee Madoobe Nuunoow Hogaamiyo.

Waxa uu sheegay in Koox Jecleysi laga rabin dawlada Soomaaliya oo ay usimanaato dadka kasoo jeedo Gobolladaasi.

Shalay waxa si rasmi ah Madaxweyne Xasan Shiikh uu Baydhabo uga furay Shir lagu soo dooranayo Hogaanka Maamul ka kooban Seddex Gobol xilli Maamul kale oo Lix Gobol ka kooban uu Baydhabo ka jiro dadkana ay taageersan yihiin maamulkaasi sida siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanadu ay sheegayaan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho