Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay inay garab taagan tahay maamulka laga dhisaayoMagaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee loo dhisaayo Gobolada, Baay Bakool iyo Sh. Hoose.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan sheegay, isaga oo intaa ku daray in taageerada dowladiisa ka sokoow kol hadii la dhiso maamulka uu noqon doono mid cagihiisa isku taaga.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Gobolada loo dhisaayo maamulkaan ay yihiin kuwa ay ka buuxaan kheyraad badan, hadii ay ahaan laheyd dhanka xoolaha iyo beeraha intaba ay yihiin kheyraad ugaar ah Gobolkaasi.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay la dhacsan tahay hanaanka lagu wado dhismaha maamulka saddexda Gobol ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo, ayaa hadana isla Magaaladaasi waxaa ku sugan xubno sheegta maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo