Xildhibaan Aden Maxamed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda in aanay ka hadlin jir dil loo geystay mas’uuliyiin iyo dhaawac soo gaaray dad dibax bax ka dhigay Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso, Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
Aden Modoobe oo ayaa hadalka ku soo beegay xili magaaladaasi laga furay shirka sadex gobol iyo dibax bax ay dhigeen dad kasoo hor jeeda, Madoobe ayaa sheegay in dil iyo garaac aan maamul lagu dhisi Karin oo maamul lagu dhisi karo wada hadal iyo wada tashi.
Dhinaca kale Xildhibaanad Bishaaro Abdi Diiriye ayaa ku boorisay dowladda in la fiiriyo rabitaanka shacabka iyadoo intaa raaciyay in dastuurka ku qoran tahay in labo gobol iyo wixii ka badan is raaci karaan, shacabkii halkaas na ay dhisteen lix gobol iyadoo ka digtay in dadka la cabriyo.
Shirka waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladd ee dowladda Federaalka, Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, ergo ka kala socda saddexda gobol ee uu maamulku ka koobanyahay iyo marti sharaf kale.
Idale News Online, Baydhabo