Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Madaxweynaha ayaa tagaya Baydhabo iyadoo amaanka si aad ah loo adkeeyey,waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada iyo sidoo kale maamulka gobolka ay ku sugayaan garoonka Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo.
Wararka ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya inay xiran yihiin gacansigii iyo isku socodkii dad weynaha.
Ilaalo xoogan ayay ciidamada booliska ka hayaan meel ka baxsan magaalada iyagoo ka baqdin qaba weerar dhanka Al-shabaab uga yimaada.
Ugu Dambeyntii, Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan afhayeenka barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Idale News ONline, Muqdisho