Dhageyso: Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo beeniyay in la gato maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho

0
179

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka ah in maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaaya siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arimahaan iyo arima kale oo ku aadan shaqada garsoorka iyo baarista.

Halkan Ka Dhageyso

“Xabsiga cid lagu kala gato aniga ma ogi, mana dhacdo, eedaha in dadka lasoo qabto oo la xiro barista intii ay ku jiraan lasii daayo wax laga qaato, eedeha noocaasi baarita weeye ma ahan xabsiga, hay’adahaan laftigooda 80% waa waxba kama jiraan, laakiinse wey dhici kartaa in ay jiraan laakiin ma badno waana wax yar, hal mar wax lama sixi karo, sidii aan ku sixi lahayn waan wadnaa, shalay waxaan shir lahayn dhamaan hay’adha quseeya dambi baarista, 15-ka maalinba mar ayaan kulannaa si loo saxo wixii qalad ah” ayuu yiri xeer ilaaliyaha

Eedaha yimaada ayuu sheegay badi inay ka yimaadaan dhinaca garta laga helay markii dacwad ay timaado, wuxuuna sheegay in aanay waxba u arag waxyaabaha dadka qaar ay ku hadaaqaan markii garta laga helo.

Xeer-ilaaliyaha-Qaranka1