Qoysas tiradooda ka badan tahay boqol ruux ayaa laga deyrinayaa xaaladooda nololeed, kuwaasi oo iyagu ahaa beeraley degan tuulada Raqayle Aw Same oo ka tirsan degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.
Waxgaradka iyo odayaasha tuuladaasi oo la hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay in dhul beereed cabirkiisu gaarayo 128-Hektar ay burburiyeen ragku labisan dareyska ciidamada inay si bareer u burburiyeen iyagoo aan cidna kala tashan.
Odayaasha ayaa waxay kaloo sheegeen in ciidamada ku labisan dareyska Milateriga ay duugeen ceel ku yaala goobaha la burburiyay isla markaana laga qaatay matooradii kanaalada biyaha ee lagu waraabinayay beerahaasi.
“Rag dareyska ciidamada ku labisan ayaa guryaheena iyo beeraheena dumiyay, waxayna bililiqeysteen qalabka beeraha, lacag iyo matooradii nakaalada” ayuu yiri Nabadoon Abuukar Nuur Maxamed oo ka tirsan odayaasha tuulada Raqayle Aw Same.
Qoysaskaan oo ka barakacay guryahooda iyagoo muddo shan maalin ah ku hoyanayayxarunta degmada Afgooye ayna ka sii baracakeen iyagoo haatan degan guri uu ku deeqay nin ganacsade reer Afgooye oo ku yaala Ceelasha Biyaha.
“Muddo 9-maalin ah ma ogin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurteena oo aan ugu tegi karin hanjabaado ay noo jeediyeen ciidamo beeleed dareyska ciidamada ku labisan, iyagoo ku hanjabay inay dilayaan qofkii isku daya inuu tacbado beeraha la bililiqeystay.
Haweeney lagu magacaabo Cudbi Cumar Abuukar oo Guddoomiye ka ah Hay’adda WAANO isla markaana tuuladaasi ka waday howlo caruurta iyo haweenka loogu gargaarayo ayaa sheegtay inay qoysaskaasi ka gacan siiso sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda.
“Qoysaskaan laga barakiciyay beerahooda iyo guryahooda waxay ku sugan yihiin xaalad nololeed oo aad u liidata” ayay tiri Guddoomiye Cudbi Cumar Abuukar oo sheegtay in qoysaskaasi loo adeegsaday awood ciidan laguna baabi’iyay dhammaanba dhul beereedkii ay tacban jireen.
Waxay sheegtay Guddoomiyaha ururka WAANO inay qeyla dhaan gaarsiiyeen maamulka Degmada Afgooye isla markaana aanu waxba ka qaban dhibaatada loo geystay qoysaskaan oo ay sheegtay inay yihiin kuwo danyar ah.
“Dowladda Federaalka waxay ka codsaneynaa inay wax ka qabato dhibaatada ay noo geysteen ciidamo beeleedkaan isla markaana ay sugto ammaankeena” ayuu yiri Nabadoon Yaxya Yuusuf Cali oo ugu baaqay hay’adaha gargaarka, kuwa samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay gurmad samatabixin la soo gaaraan qoysaskaasi dhibaatada loo geystay.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhul beereedka la burburiyay uu sheegtay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cus
maan Jaamac Yuusuf, kaasi oo lacago laaluush ah ku bixiyay sidii qoysaskaasi loo barakicin lahaa.