Dhageyso: Gudoomiyihii Waajid oo Xilikii laga qaaday iyo Muran ka dhashay

0
214

waajidAgaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliiya ayaa Maamul Cusub u magacaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

C/laahi Aadan Yariisow Gudoomiyihii hore ee Degmada Waajid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha uu Maamul Cusub keenay islamarkaana Gudoomiyaha Cusub ee Degmada loo Magacaabay uu yahay nin ka tirsan Shabaab oo Shacabka Danbi ka galay.

Halkan Ka Dhageyso

Yariisow ayaa sheegay in Qaabka loo maray Xilka qaadistiisa ay tahay Tilaabo qaldan islamarkaan Shacabka iyo Saraakiisha AMISOM ay ka soo horjeedaan.

Waajid ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiye Labo Kuxigeen Taliyaha Ciidamada Degmada iyo Mas’uuliyiin kale oo la shaqeeya.

Xariir aan la sameeynay Gudoomiyaha Cusub ee Waajid loo magacaabay Xasan Aadan Cali ayaan noo suuro galin.

Idale News Online, Waajid.