Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Koofur galbeed ayaa ku qul qulaya magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Bay, Ergada waxa ay ka kala socdan Gobolada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool .
Kulamo looga arinsanayey maamul u sameynta Koofur galbeed ayaa xiligan maraya meel gaba gabo ah, waxaana lagu wadaa in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo doorashada Madaxweynaha K/Galbeed.
Gudiga farsamada ee loo xilsaaray maamul u sameynta Koofur galbeed ayaa ka codsaday Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed inay soo gudbiyaan ergooyinka u matali lahaa shirka si ay u doortaan Madaxweyne.
Ciidamada AMISOM iyo maamulka gobolka Bay ayaa iska kaashanayo sugidda ammaanka magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in wafuuda ku qul quleysa Baydhabo ee ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed ay ka midyihiin qaar ka imaanaya dowladda federaalka iyo beesha Caalamka.