ararka ka Imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Hadda Halkaas uu ka socdo Dagaal Qaraar oo u Dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Warar ay Heleyso Idale News Online ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo ku sugan Saldhigyadii ay Al-shabaab ka saareen ay Weerar kusoo qaadeen kuwa Maleyshiyada Al-shabaab.
Degmada ayaa la sheegayaa in ay dadku dareemayaan Baqdin Xooggan, Al-shabaab Degamadaas waa laga Saaray, Balse Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaan sameysan Saldhigyo Magaalada Banaanka ka ah, taas ayay dadku sheegayaan in ay Keentay in Weerar ay soo qaadaan Al-shabaab uu ka dhaco Gudaha Magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in Dagaalka Hadda Socda uu yahay mid aan sidaa u Xooganeyn, Ciidamada dowladduna ay ka Warhayeen weerarka ay Al-shabaab soo qaadeen, taas ayuu sheegay in ay tahay midda Dagaalka ka dhigtay mid aan sidaa u Xooganeyn.
Hadalka Gudoomiyaha waxaa ka hor Imaanaya kan Dadka Deegaanka, kuwaa oo sheegaya in Dagaalka Saakay Billowday uu aad u Culusyahay, sidoo kalena ay Baqdin ka qabaan in uu sii Xoogeysto.
Idale News Online, Baraawe