Sideed ka Tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Muqdisho

0
209

Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa soo Bandhigtay tiro la Rumeysanyahay in ay ka Tirsanyihiin Kooxda Al-shabaab, kuwaa oo lagu qabtay Howlgalkii ka dhanka ahaa dadka ay Da’doodu ka yartahay 40-sano ee Maalmaha Ciidda ay Ciidamadu ka Sameeyeen Labada Koontorool ee Magaalada laga soo galo.

Teaser Image Sideed ka Tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Warbaahinta kula Hadlay Halka lagu soo Bandhigayay Kooxda lala xiriirinayo Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamadu ay ku Guuleysteen in ay qabtaan ragas.

“Dhaawacyo ayaa ku Yaalla qaarkood Sideeda hadda aan Heyno ayaa ah kuwo si Caadi ah loo Garanayo, dadka ayay ku Garaaci Jireen Balcad, Ciidamada ayaa Gartay, qabtay oo hadana Go’aansaday in aysan dadka sii dhibin Kooxdaan, Garsoorka ayaa la hor Geyn doonaa, wixii ay Sharciga kala soo Noqdaana waa ay Leeyihiin” ayuu yiri.

Kooxdaas ayaa lagu qabtay labada Xad ee Magaaladu ay la leedahay Gobollada Shabeelooyinka, waxaana ay Ciidamadu ku qabteen Baaritaano magaalada looga Celinayay dadka aan Damiinka ku Geleyn ama aan Heysan Aqoonsiyada.

Idale News Online, Muqdisho.