Bukaankii labaad oo qaba Cudurka Ebola oo gaaray wadanka Germany

0
220

Isbitaal ku yaal caaismada wadanka Germany ee Farnkfurt ayaa la sheegayaa in laga helay nin qaba cudurka halista ah ee Ebola,iyadoo dhanka kale la sheegay in ciidmada amaanka Isbitaalka ay waardiye ka hayaan bukaanka.

Ninkaan bukaanka ah ayaa la sheegayaa inuu ahaa   Dakhtar u dhashay wadanka Uganda kasoo ka soo shaqeeyay Isbitaalo ku yaal wadanka Liebria.

Ninkaan bukaanka ah ayaa la sheegayaa markuu yimid  Frankfurt University Hospital in la karintiilay.

Waa bukaankii labaad ee  soo gaara wadanka Germany,iyadoo  la shegayo  bukaan hore  oo ka yimid waqooyiga Africa inuu so gaaray magaalada Humburg bishii  August.

Nin uhadlay  Frankfurt University Hospital ayaasheegay in bukaanka aad lola tacaalaya xaladiisuna ay iminka hagaagayso.

EBOLA02_3000930b

Dhanka kale, Professor Rene Gottschalk mar uula hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in  uu kalsooni ku qabo in bukaankaan uu caafimadaayo madama buu yiri uu helay dhakhaatiir la tacaasha cudurka uu qabo isla mar a hanatana la daaweenayo.

Ninkaan oo aah dhakhtar uu dhashay wadanka Uganda ayaa la sheegay markuu cudurka ku dhacayay  inuu u shaqeenayay Hay’ada Italian Aid organisation gudaha wadanka Siera Leone asagoo caawinayay bukaanada qaba cudurka Ebola ee aafeeyay waqooyiga Africa.

Warbixin ay soo qortay Hay’ada caafimaadka aduunka ee loo soo gaabsho WHO  ayaa lagu sheegay in Waqooyiga Africa   dad kabadan  3,338  ay u dhinteen cudurka Ebola,iyadoo dhanka kale warixinta sheegtay in dad gaaraya 7,178 oo qof ku nool  Sierra Leone, Liberia iyo Guinea uu soo ritay cudurku.

Idale News Online  Barlin