Akhriso: Qaabka awood qaybsiga Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya

0
485

Qoraal lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay shaqsi mas’uul ah diidayna in la shaaciyo magaciisa ayaa waxa uu sheegayaa qaabka guud ee ay beeluhu u qaybsan doonaan maamulka sedexda gobol ee Baay,Bakool iyo Shabeelaha hoose oo haatan si gaabis ah uga socda Baydhabo.

Warqadan aan helnay ayaa waxay ka timid xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu sheegay qoraalkan inuu ogyahay Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxayna ku socotay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khaalid Cumar Cali waxaana ku xusnaa inuu nuqul ka mid ah siiyo xubnaha gudiga Maamul u samaynta sedexda gobol kolka la gaaro wajiga sedexaad ee awood qaybsiga kaasi oo lagu sheegay qoraalka inuu furmi doono Oktoobar 18keeda 2014.

Qoraalkan oo ka koobnaa 5 warqadood ayaan helnay Afar ka mid ah waxaana si buuxda loogu qeexay qaabka ay beeluhu u kala heli doonaan jagooyinka oo loo qaybiyay A,B,C iyo D.
Qoraalka A ayaa waxa uu qeexayaa 11 jego halka qoraalka B-na uu si tiro ah uu u qaybinaayo xilal halka C-na lagu qeexay gudoomiyayaasha Gobolada iyo degmooyinka iyadoo qaybta D-na si cad loogu qoray awood qaysiga madaxda ciidamada.

Qaybta A ayaa waxaa ku qeexan 11 xil oo kala ah:

1-Madaxweyne(Digil iyo Mirifle)
2-Madaxweyne ku xigeen(Digil iyo Mirifle)
3-Gudoomiyaha Baarlamaanka(Digil iyo Mirifle)
4-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka(Digil iyo Mirifle)
5-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka(Dir)
6-Gudoomiyaha golaha dhaqanka(Digil iyo Mirifle)
7-Gudoomiye ku xigeenka koowaad(Hawiye)
8-Gudoomiye ku xigeenka labaad(Beesha Shanaad)
9-Gudoomiyaha Maxkamada sare(Digil iyo Mirifle)
10-Gudoomiye ku xigeenka Koowaad(Digil iyo Mirifle)
11-Gudoomiye ku xigeenka labaad(Daarood)

Qaybta B ayaa iyana waxaa ku cad awood qaybsi tiro ah oo u qaysan sida tan

1-Golaha Baarlamaanka waxa uu noqon doonaa 63 Xubnood waxaana loo wadaagi doonaa qaab deegaaneed iyadoo ay beeluhuna saamigoodu heli doonaan.
Gobolka Bakool waxay gobol ahaan u heleen 16 xubnood iyadoo 14 kamid ah ay ka imaan doonaan beelaha Digil iyo Mirifle labada soo hartayna ay yeelan doonaan beelaha Daarood.
Gobolka Baay waxa uu gobol ahaan u helay 22 Xubnood dhamaan waa wada Digil iyo Mirifle
Gobolka Shabeelaha hoose waxa uu gobol ahaan u helay 24 Beelahuna waxay u kala heleen 18 Digil iyo Mirifle Sedax beelaha Direed,Labo beesha Shanaad iyo Labo Hawiye.
Guud ahaana Xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed sedexda gobol waxay noqon doonaan oo ay beeluhu u kala heli doonaan sida tan 54 Digil iyo Mirifle,Sedex Dir,Labo Hawiye,Labo Daarood iyo Labo beesha Shanaad.

2-Golaha wasiiradu waxay noqon doonaan 18 wasiir 20 Wasiiro xigeen oo ay beeluhu u wadaagi doonaan 15 Digil iyo Mirifle,Hal beesha Shanaad,Hal beesha Dir iyo Hal beesha Hawiye iyadoo Wasiir ku xigeenaduna loo qaybiyay 15 Digil iyo Mirifle,labo Daarood,Hal Dir,Hal Hawiye iyo Hal beesha Shanaad.

3-Golaha guurtida waxa uu ka koobnaan doonaa 54 xubnood oo 4 xubnood ka mid ah ay noqon doonaan korjoogto aan lahayn awood codayn kumana cada qoraalka beelahaasi kuwa ay yihiin iyo magacyada beelaha codka leh toona.

4-Golaha Cadaalada waxaa kaliya ee qoraalku qorayo waa jiritaanka golaha madaxddiisa sare oo kaliya.

3-Qaybta C-da waxaa ku cad in maamulka uu ka kooban yahay Sedex gobol iyo 20 Degmo sidoo kalena waxaa ku cad in sedexda gudoomiye Gobol ay ka imaandoonaan Digil iyo Mirifle ayna yeelan doonaan ku xigeeno Afar ah mid kasta laba iyo tobanka ku xigeena ay Digil Mirifluhu yihiin 10 iyadoo labada hartayna ay kala leeyihiin beelaha Hawiye iyo Dir halka degmooyinka oo labaatan ahna 18 ka mid ah ay gudoomiyeyaal ka yihiin Digil iyo Mirifle halka hal degmo ay gudoomiye ka yihiin beelaha Direed midna Daarood.

4-Qaybta D oo ah qaybta ugu danbaysa ayaa guud ahaan inoo suura galin in aan helno.

Waxaa sidoo kale qoraalkan ku cad in Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu awood u leeyahay inuu meel mariyo qoraalkan.

shirkaBaydhaba3

 Idale  News Online, Xafiiska  Baydhabo.