RW Abdiweli oo $200 oo kun ugu deeqay Shirka Garbahaarey xili xalay ay kumeen qaar ka mid ah Gudiga Farsamada shirka

0
194

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa xalay ku kulmay  RW Somalia  Cabdiweli sh Axmed iyo  qaar ka mid ah Gudiga  Farsamada Shirka Garbahaareey waxaana masuliyiintaasi ay ka wada hadleen  arimo badan ooku saabsan  shirka  garabahaarey.

Intii uu kulankaasi socday Gudiga  Farsamada waxaay  RW Abdiweli uga warbixiyeen  halka u marayo ababulka  shirka iyo waliba qodobada shirka diiraada lagu saari doono   iyo  kuwa  la filayo in ay ka soo baxaan.

RW Abdiweli ayaa dhankiisa sheegay in shirkaasi  uu ka taageeri doono  dhanka tasiilaadka hadi ay ahaan lahayd  gadiidka  cirka  iyo qaraashaadka shirka lagu socodsinayo.

Gudiga Farsamada Shirka ayaa  u mahad celiyay RW Abdiweli waxaayna sheegen in ay  taarikhdu xusi doonta  kaalinta uu shirka garbahaarey  ka gaystay RW Abdiweli Sh Axmed oo asagu ka soo jeeda Gobolka lagu tashanayo ee Gedo.

Dad badan ayaa ku jahwararsana kaalinta  uu RW Abdiweli ku leeyahay Shirka garbaharey  ayado  inta badan la aminsanaa in RW Abdiweli usan taagersanayn Shirka Garbahaareey balse hada ay soo baxday  kalinta uu shirkaani ku leeyahay.

Dhanka kale  RW Abdiweli ayaa Gudiga Farsamada u sheegay in uu  gunaanadka shirka ay ka soo qayb gali doonan  asaga iyo Wasiiro muhiim ah iyo xubno ka socda beesha calamka.

RW

Idale News, Online, Muqdisho.