Fadhigii ergada ansixinta dastuurka somalia ee la filaayey inuu maanta qabsoomo sida loo balansanaa ayaa dib u dhac ku yimid sida uu sheegey wasiirka dastuurka A/raxman xosh jabril
Waxaa mar labaad dib u dhacay labo todobaad gudahood shirkii la doonayey in lagu ansixiyo qabyo qoraalka dastuurka oo maanta lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo dhameystirmi waayeen ergadii 825-ta xubnood ka koobneyd ee la qorsheeyay inay ka doodaan ka dibna ansixiyaan dastuurka.
Sida uu sheegay wasiirka dastuurka dowladda KMG C/raxmaan Xoosh Jibriil labo maalin ayaa dib loo dhigay shirkii la doonayey in lagu ansixiyo dastuurka cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso, wuxuuna sheegay wasiirku in labo maalin gudahood ay ku soo dhameytiri doonaan ergooyinka la sugayo ee hadda shirka ka maqan
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ergooyinka intooda badan inay joogaan oo la bilaabay siinta kaararkii aqoonsiga waxa yar ee dhimanna la dhameystiri doono dhawaan, mana xusin xubnaha maqan inay yihiin kuwo aan joogin magaalada Muqdisho iyo inay yihiin kuwo u xayiran khilaafka odayaasha dhaqanka iyo dowladda KMG ka dhaxeeya.
Warar ayaa sheegaya in ergooyinka dhiman qaarkood ay ku maqan yihiin dhinaca Puntland, halka kuwo oo aan badneyn ay iyana ay weli u xayiran yihiin muran iyo is-heysad dhanka beelaha ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan odayaal ka socda dhanka maamulka Puntland iyo ergada maamulkaas oo gaaraysa 102 xubnood.
Shirka ansixinta dastuurka ayaa muddo dhowr jeer ah dib u dhacay, waxaana sababta ugu weyn ee baaqashadiisa lagu sheegay sedex arrimood oo kala ah is-heyad u dhaxeeya odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowladda KMG, kaasoo ku saleysnaa qodobo ay doonayeen Odayaashu in laga saaro dastuurka inta aan loo gudbin ergooyinka, halka qodobka kale lagu sheegay ergooyin ka qeybgeli lahaa ansixinta dastuurka oo ku kala maqan dalka dibaddiisa iyo gudahiisa.