Waxa maanta barqadii isku dhac uu ku dhexmaray Gudaha Dekada Magaalada Muqdisho qaar katirsan Muruqmaalka Soomaaliyeed ee halkaasi ka xoogsanayey iyo Shaqaalaha Hay’ad Turki ah oo dhawaan Maamulka Dekadaasi lagu wareejiyey.
Qaar kamid ah Xoogsatada goobta kusugnaa waxay sheegayaan in markab Dekada Ku xirnaa ay bilaabeen inay rarka kasoo dejiyaan mar keliyana ay ka war heleen rasaas lagu ridayo taasi oo keentay in labo qof ay ku dhaawacmaan.
Nin ka mid ah Muruqmaalkii dhaawacmay ayaa sheegay inuu arkayey nin Turki ah oo Markabka dushiisa saaran oo Bistoolad xabado ka ridayey uuna umaleynayo inay dhaawaca halkaasi kasoo gaartay.
Waxa jirtay isku dhac iyo gacan ka hadal dhexmaray Muruqmaalka Dekada Muqdisho ka shaqeynayey iyo Shaqaalaha Hay’ada AL Beyrak ee Maamulka Dekada lagu wareejiyey.
Idale News Online, Muqdisho.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ciidan Booliska Soomaaliya katirsan oo la safnaa Shaqaalaha Hay’ada Turkida ah ay rasaas ku fureen Muruqmaalka Dekada Magaalada Muqdisho ka howlgalayey.