Dhageyso: Dowlad Gobleedka Puntland oo ciidamo xoogan soo dhoobtay magaalada Gaalkacyo

0
227

Wararka aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo xoogan oo ka tirsan kuwa Puntland ay soo gaareen magalada Gaalkacyo.

Halkan Ka Dhageyso.

Ciidamadan soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay kulaqabeesan yihiin Hubka Waawayn isla mar ahanatana yimid magaalada Garowe ee caasimada dawladda Puntland.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Sahalnews uu sheegay in Ciidanka Soo gaaray magaalada Gaalkacyo ay yihiin Ciidamada xoogaan ayagoo fariisimo ka seemeesteen dhanka waqooyi ee magalada Galkacyo  iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo  Abduulahi Yusuf Airport

Dhaq dhaqaaqyadan Ciidan ayaa kusoo aadaya xili dawladda Puntland ay sheegtay inaysan kaso dagi Karin wax diyaarad ah gaaroon macmal ah oo maamulka Galmudug uu kasameestay Koonfurta Magaalagada Gaalkacyo.

Ciidamadan soo gaaray qaybta Xuduuda Puntland ay la wadaagto Galmudug ayaa Imaanaya Xili khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Puntland iyo Galmudug.

xaflandPuntland