Golaha Wasiirada soomaaaliya oo taageeray Agaasimaha Cusub ee Nabad Sugida

0
187

Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay saaka oo Axad ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho uuna shir gudoominayey Kusimaha R/wasaaraha Dalka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Mudane Ridwaan Xersi Maxamed waxay kaga hadleen magacaabista Agaasimaha Cusub ee Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuur Yare (C/raxmaan Comda).

Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga Mudane Mahad Maxamed Salaad oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa Boggiisa gaarka ah ee Facebook waxa uu goor dhaw ku sheegay in Cod aqlabiyad leh Golaha Wasiiradu ay ku taageereen magacaabista Taliyaha Cusub ee Nabad Sugida & Sirdooka Dalka Somaliya.

wasiiro

Idale News Online, Muqdisho.