Maareeyiha Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho oo la dhaawacay.

0
208

Koox hubeysan ayaa waxay saaka weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen Saraakiil katirsan Hay’ada Duulista Hawada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kaasi oo marayey Degmada Wadajir.

Wararka waxay sheegayaan in dhaawac uu kasoo gaaray weerarkaasi Maareeyaha Hoggaanka Duulista iyo Saadaasha Hawada Somaliya Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe).

Warbaahinta Al Shabaab ayaa iyagu daabacay in weerarkaasi ay ku dileen Injineer Cali Madoobe laakiin ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyey inuu dhaawac yahay Maareeyaha.

Hase-ahaatee nin darawal u ahaa Injineerka iyo Askari ilaalo u ahaa ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkii saaka lagu qaaday.

Weerarka oo dhacay Saaka ayaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa qoryaha BKM iyo AK47 oo watay gaari nuuca Noohada loo yaqaano iyagoona ka baxsaday goobta kadib falka markii ay geysteen.

Faah faahino wixii kasoo kordha weerarka lagu dhaawacay Maareeyaha garoonka diyaaradaha dib kala socda insha allah

Muqdisho1

Idale News Online,Muqdisho,