Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo ka mid ahaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa salaadii Jimcaha ka dib lagu dilay Magaalada Muqdisho xilli uu ka soo baxay Salaadii Jimcaha Masaajidka Marwaas ee Degmada Xamar weyne.
Sheekh Aadan Madeer oo ka soo jeeda Degmada Ufurow ee Gobolka Baay ayaa waxaa uu ka mid ahaa Xubnaha Baarlamaanka u metela beesha Luway ee degaankaas oo dhinaca koonfur ka xiga Magaalada Baydhabo. Waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Gudigga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya
Sheekh Aadan Madeer, waxaa uu tan iyo 2000 Baarlamaankii Carte lagu soo dhisay uu ahaa Xubin Baarlamaan, Marna Xukuumaddii C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka soo noqday Wasiirka dib u heshiisiinta sidoo kale waxaa uu soo noqday Wasiir kuxigeeno.
Xilligii Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre Sheekh Aadan Madeer waxaa uu ka soo shaqeeyay Bankiyada dalka.
Waxaa uu ahaa wadaad dhinaca Diinta ku wanaagsan oo aad u afgaaban, kuna wanaagsanaa fasirka Kitaabka.
Dilka Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer ayaa ka dhigaaya xildhibaankii 8aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho muddo ka yar sanad, sidoo kale waa xildhibaankii 3aad ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee muddo ka yar 5 bilood la dilo. waxaan horey dil noocaan oo kale loola beegsade xildhibaan Isaaq Maxamed Cali Riino iyo Xildhibaan C/casiis Afar Indood.
Ilaahay Janadii Fardowsa ha ka waraabiyo Sheekh Aadan Madeer waxaa dishay gacan ka gardaran
Idale News Online Mogadishu.