Waan waan Hordhac ah oo laga gaaray Dagaalkii Gobolka Shabellaha Hoose& Hub Soo gaarey Degmada Marka.

0
196

Odayaal ka soo jeeda Dhinacyadii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose oo Xalay kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ka soo baxay Kulankooda.

Teaser Image Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray Dagaalkii Shabellaha HooseKulanka ayaa waxaa iskugu yimid Odayaal ka soo jeeda Gobolka islamarkaana ay Xabad joojin soo kala dhax dhigeen Maleeshiyadii Dagaalamay.

Nabadoon Cismaan Sheikh Soomoow iyo iimaam C/laahi Khaliif Rooble oo lahadlay Idaacada VOA  qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ay tageen Dhulkii lagu dagaalamay oo ay kala qadeen Maleeshiyadii Dagaalamay ,oo ay ku guuleeysteen in la isku keeno.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in sidoo kale Dadkii ka barakacay Tuulooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ay dib u soo celiyeen,oo hada ay ku sugan yihiin Deegaanadii ay hore oga Barakeceen.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal Xoogan oo u dhexeeyey Labo Maleshiyo oo Gobolka Wada daga,waxaana ku Dhintay Dagaalka intuu Socday Dad badan,halka ay Boqolaal kalena ay ku Barabaxeen.

Idale News Online – Xafiiska koonfur Galbeed Soomaaliya, Baydhabo Janaay.