
“Meel kastoo Shacabka Soomaaliyeed ay joogaan, waxaan ka codsanaynaa inay nagu taageeraan oo gacan nagu siiyaan sugida Amaanka guud ahaan dalka, haddii aysan na taageerin waxba ka qaban karno,” ayuu yiri Khaliif Ereg.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Ummada Soomaaliyeed ay ogaadeen inay Kooxda Al shabaab ka shaqeyneyn Danta dalka & Dadka, oo ay dilayaan Qof kasta, iyadoo sidoo kale ay kasoo horjeedaan Dowladnimada usoo bidhaantay Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Cusub Amniga, ayaa dhawaan waxa uu soo bandhigay Qorshe ay wasaraadiisa ugu tala gashay inay ku xaqiijiso Amaanka Muqdisho, oo Bishii lasoo dhaafay ee Ramadaan oo kaliya ay Kooxda Al shabaab ka geysatay Qaraxyo badan & Dilal gaaraya 100 Qof, oo Xildhibaano ay ku jireen.
Idale News Online, Muqdisho.