Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka oo Amaanay AMISOM eedeyna u jeediyay Ciidamada Dowlada.

0
209

Iyadoo inta lagu guda jiray Bisha barakeysan siyaabo kala duwan ay Kooxda Alshabaab gudaha Magaalada Muqdisho ku dishay Ciidamo badan oo ka tirsan Taraafikada wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in dhibaato taasi u dhiganta ay ku qabaan Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada ayaa ka Cabanaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa ay wataan Saraakiisha Dowladda gaar ahaan Militariga iyo Nabadsugida oo si cad uga tunto xuquuqda Taraafikada.

Cali Xirsi Barre”Cali Gaab” oo ah Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Warbaahinta Muqdisho u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay wataan Saraakiisha Dowladda gaar ahaan Militeriga iyo Nabadsugida ay ka amar weyn yihiin shuruucda u degsan wadooyinka.

Waxa uu sheegay inaysan Xushmeeyn Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee taagan Jidadka islamarkaana ay Xoog iyo Amar la’aan ay ku maraan Wadada, taasina ay ka dhigan tahay mid aan lagu kala sooci Karin Alshabaabka Dowlada isku ekeysiiyay iyo kuwa Dowlada.

Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay qaataan Amarka Taraafikada ay siiyaan,taas oo wax laga Xumaado ay tahay in Dadkii Dalka u Dhashay ay Sharciga Diidaan.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa sheegay in Xili adag ay ku shaqeeyaan oo Ciidamada Taraafikada oo wata ul iyo Firinbi ay beegsi ku hayaan Al-shabaab,sidaasna ay ku dhaceeyso.

mogadishutraffic

Xafiiska Shabakada  Idale News Online, Muqdisho.