Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya oo maanta Ciiday& khudbad uu Jeediyey Sheekh Shaacir.

0
187

Maamulka Ahlusunna Ee Gobolada Dhexe Soomaaliya ayaa maanta Ciiday maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga,xili ay Shalay Soomanaayeen.

Teaser Image Gobolada Dhexe oo maanta Ciiday

Degmooyinka kala ah Dhuusamareeb,Gurceel,Caabadwaaq iyo qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ayaa Saaka laga Ciiday,iyadoona Shalay Degmada Cadaado iyo Deegaano kale oo ka tirsan Galgaduud laga Ciiday.

Sheikh C/risaaq Xuseen Al-ashcari oo Shacabka kula hadlay Degmag Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dagaalka Al-shabaab iyo Maamulka laga dhisayo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Al-ashcari ayaa sheegay in Ahlusunna ay sii wadeeyso Dagaalka ka dhankaa Maleeshiyada Al-shabaab oo ay ka saarayaan qeybaha ay Galgaduud kaga sugan yihiin oo Ciidamada Ahlusunna ay u diyaar garoobeen.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Al-ashcari ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Maamulka laga dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya,isagoona sheegay in Ra’iisul Wasaare C/wali aysan waxba ka qalin Maamulka Gobolada Dhixe,kuna Sheegay hadlkii dhawaan ka soo baxay mid gardaro Cad ah.

“C/wali Markii uu dhisayey Puntland iyo Maamulka Jubba kan yaa u diiday,qabyaalad ayuu wadaa oo waxaa uu rabaa in uu burburiyo ififaalaha lagu dhisayo Maamulka Gobolada Dhexe”ayuu yiri Al-ashcari.

Idale News  online – Dhuusa-Mareeb Galdaduud.