Hubkii ugu badnaa oo Muqdisho lagu qabtay, ka dib Baaritaano Maanta ay Sameeyeen Ciidanka Amaanka Ee Gobolka Banaadir.

0
203

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku soo qabtay Hub aad u badan oo Sharcidaro ah.

Teaser Image Hubkii ugu badnaa oo Muqdisho lagu qabtay

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay soo qabteen Hub Sharcidaro ah,oo iskugu jira,Garneylo,Miinooyin iyo Rasaas aad u badan.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ay Dadka Shacabkaa ee Degmada Hodan ku nool ay Xogta siiyeen sidaana lagu soo qabtay Hubka.

Sidoo kale Ciidamada ayaa Galay Garaash ku yaala Maagalada Muqdisho oo uu lahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cali Caato oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ahaa,waxaana ay halkaa kala baxeen Hub aad u badan oo yaalay Garaashka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka Bilaabay Degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir,iyadoona Howlgalkaan uu qeyb ka ahaa.

Idale News  Online – Xafiiska Muqdisho