Xeer Ilaaliyihii Hore Ee Qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

0
352

Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday xog dad badani ka qarsoonayd taasoo ah in ay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo dhabar-jab ku ah dastuurka KMG ee dalka u degsan iyo sharciyada adeegga garsoor.

Cabdulqaadir Maxamed Muuse ayaa nasiib darro ku tilmaamay in wasiirka garsoorka iyo cadaaladda dowladda Soomaaliya maanta uu ku takrifalo awooddiisa, isla markaana uu meel kaga dhaco dastuurkii dalka u degsanaa.

Wuxuu sheegay in ka hadlidda sharciyo wasiir Faarax Cabdulqaadir keenay oo baarlamaanka ay ansixiyeen ka hadlitaankoodii loogu badalay in xilka laga qaado.

“Qaranka badbaadi ayaan aniga islahaa laakiin waxaa la iigu jawaabay in xilkii la iga qaado, xataa anigoo ogeyn” ayuu yiri xeer ilaaliyihii qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse

 

C.qaadir-Muuse

Idale News Online, Muqdisho.