Maamulada Gobolada Dhexe oo si wada jir ah uga horyimid hadalkii R/wasaaraha Soomaaliya.

0
203

Maamulada Galmudug,Ahlusunna iyo Ximan iyo Xeeb ayaa si wada jir ah uga horyimid hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo ahaa in Maamul KMG ah loo dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Cuuke Xaaji C/rixmaan,Sheikh C/risaaq  Cali Yuusuf Al-ashcari iyo  Cumar Maxamed Guureeye oo dhamaantood ah Mas’uuliyiin u hadlay Maamuladda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ah in Maamul loo dhisayo Dadka Daga Gobolada Dhexe.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Dadka ku nool Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ay hore uga Tashadeen Aayahooda islamarkaana ay wadaan Qorshe Maamul loogu dhisayo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,kaas oo Gogashii lagu dhisilahaa ay taalo Gobolada Dhexe.

Maamuladda Gobolada Dhexe ayaa wax laga Xumaado ku sheegay hadalka Ra’iisul wasaraha Soomaaliya,maadaama ay sheegeen in uu Faragalin ku hayo Maamul laga dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka oo dhismihiisu uu gabo gabo marayo.

RW

Idale News Online, Guraceel.