Dagaal u dhaxeeya Labo Beelood ayaa waxa uu dib uga billowday Deegaanno ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, oo Todobaadyadii lasoo dhaafay Xaaladiisu ahayd mid degan.
Labo Weerar oo is xigtay ayaa Shalay Subixii & Xalay ka kala dhacay Deegaankaasi, iyadoo kii hore uu ahaa Mid lagu qaaday Ciidamo horay ugu sugnaa Lambar Konton, kaasi oo ay ku dhinteen 15 Qof, Dagaalka kalena uu ahaa mid Rogaal celis ama aargoosi ah oo ay qaadeen Ciidankii lagu weeraray Deegaanka.
Dad kor u dhaafaya 60 Qof oo Shacab & Ciidan isagu jira ayaa ku dhaawacmay Dagaal soo cusboonaaday xilli lagu guda jiro Bisha Ramadaan, waxaana Dadka Deegaanka ku noolaa lagu soo waramayaa inay billaabeen Barakac horleh, waxaana ay u cararayaan Deegaanada xasiloon ee ku dhaw Lambar Konton.
Wararkii ugu danbeeyay ee aan Saakay oo Axad ah ka helayno Deegaanka ayaa sheegaya in Xaaladu ay tahay wali mid Kacsan, oo Labada Ciidan ay isku Hub aruursanayaan, lagana yaabo saacad kastaa inay isku dhacaan. Dagaalkii shalay & Saan-saanta Maanta taagan ayaa Cabsi geliyay Gaadiidka & dadweyanaha Safarka ah ee isagu kala goosha Gobolada Banaadir & Shabeellaha Hoose.
Baaqyo kala duwan oo horay loogu jeediyay Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sh/hoose ayaa noqday kuwa fashilmay, Maadaamada Dagaalka uu markale soo rogaal-celiyay, waxaana Dowladda Federaalka sheegtay dhawaan in Ciidamo Cusub ay gaynayso Gobolka, gaar ahaan Deegaanada ay Dagaallada ka socdaa.
Idale News Online, No.50, shabeelaha Hoose.