Muqdisho-Wasiirka Arrimaha Dibada Xukumadda Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle oo ka hor hadlayey Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay Xirtay Dhowr Safaaradood oo Caalamka ay ku lahayd.
C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Safaaradahaas oo gaaraya ilaa Shan Safaaradood ay Xirtay islamarkaana Sababtu ay tahay Dhaqaalo yari Dowladda Soomaaliya soo wajahay.
Wasiirka Amuuraha Dibada Xukumadda Soomaaliya C/rixmaan Bayle ayaa sheegay in sidoo kale Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya ay yareeysay Shaqaalaha ka howlgala Safaaradaha Caalamka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay,kuwaas oo ilaa Saddex Shaqaale lagu soo koobay Dadka ka shaqeynaya,halka Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka lagu soo koobay iyagana ilaa 31 Safaaradood.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Diobada ayaa sheegay in Baasaboorkii Soomaaliya uu Qiimo dhac ku yimid marka laga hadlayo Caalamka islamarkaana wasaaradu ay wado Qorshe dib boorka looga jafayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dalalka Caalamka ku leh Safaarado badan oo Xitaa Qaar aysan wada Shaqeyn wanaagsan lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Idale News Online ,Muqdisho