Sarkaal hore uga tirsanaa Jabhadii Burburtey Ee Xisbul islaam oo la Dilay

0
232

Kooxo Bastoolado ku Hubeeysan ayaa Maanta Toogtay Sarkaal hore uga Tirsanaan jiray Ururkii hore ee Burburay Xisbul Islaam.

 

Muqdisho

Sargaalka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Sheikh Maxuyidiin ”Axmed Laashin” waxaana lagu dilay Xaafada Toowfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia Online u sheegay in Saddex Wiil oo Bastoolado wata ay Toogteen Axmed Laashin.

Axmed Sh. Maxuyadiin ayaa hada la sheegay in uu ahaa Tagsile ka shaqeeya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ilaa hada lama uga ujeedka loo dilay Axmed Laashin iyo cida dishay, inkastoo Ragga Dilka Fuliyey ay Bastoolado wateen.

Axmed Laashin ayaa waxaa uu la dhashay Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada Soomaaliya Ibraahin Sh Maxuyadiin.

Idale News Online, Muqdisho.