Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya Maxay Hakad u gelisay Howlgalka ka dhanka ah Al shabaab?

0
203

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay qeybo badan oo ka mid ah Goboladda Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka billowday Howlgal Military oo Wajir ah oo Kooxda Al shabaab looga saaray 10 Degmo oo Muhiim ah.

Teaser Image Dowladda Federaalka Maxay Hakad u gelisay Howlgalka ka dhanka ah Al shabaab?

Howlgalka oo socday Mudo ka yar Hal Bil, ayaa u suura gashay in Ciidamada DFS & AMISOM ay gaaraan Xudunta Degmooyin ay Kooxda Al shabaab ku xoog badnaayeen, sidoo kalena Weeraro looga soo qaadayay Goobaha kale ee Dowlaadda maamusho.

Howlgalka ayaa hadda hakad ku yimid, Sababo u ku sheegay Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) “Khilaaf ka dhexjira Hogaanka Ciidamada kala duwan ee AMISOM oo dalal kala duwan ka yimid.”

Wareysi uu siiyay VOA, jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) ayuu ku sheegay in Hakadka ku yimid Howlgalkii socday uusan ka imaan dhanka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse u yahay mid ka yimid dhanka AMISOM.

Ciidamada AMISOM Dowlado fara badan ayay ka yimaadeen, Hal Hogaana Amar kama qaataan, markii aan weydiino Sababta Howlgalka u joojiyeen waxa ay ku jawaabaan Dhibaato dhanka Lojistikada (Logistc) oo nagu filnayn ayaa na haysta,” ayuu yiri jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho).

UN-ka ayaa bixiya Hubka, Qalabka Military & Lacaha Mushaarka Ciidanka AMISOM oo Tiradooda hadda lagu qiyaasay 22,000 (Labo & Labaatan Kun) oo Askari oo kala kala socda, Uganda, Burundi, Kenya, Sera Leon, Djibouti & Ethiopia.

Khilaafka Saraakiisha Ciidanka AMISOM ama ahan mid hadda soo billowday, ee waxa uu jiray tan iyo Markii Kenya ay ku biirtay Howlgalka December, 2011 oo ay markii danbe ka biyo diiday inay kasoo baxdo Kismaayo oo lagu bedelo Ciidan kale.

Idale News Online, Muqdisho.