Afar qof oo ka soo jeeda Beesha Aw Digil oo maanta Si Bareer ah lagu dilay duleedka Magaalada Markacadey.

0
201

Wararka ka imaanaaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaaya in maanta duleedka Marka lagu dilay afar ruux oo dhalinyaro shacab ah kana soo jeeda beesha DIgil.

Dhalinyaradaan ayaa lagala degay gaari ay ka soo raaceen Magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Marka gaar ahaan xaafada ay ka degenaayeen OO lagu magacaabo “CEEL HINDI”; iyadoo ay wadada u gashay maleeshiyo beeleed, halkaana ay ku dishay.

Meydadka dadkaan, ayaa waxaa lagu arkay Deegaanka Ceel-jaale, waxaana meel ku dhow goobta uu dilku ka dhacay degan Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

Afarta ruux ee la dilay, ayaa ka soo wada jeeda Beesha Awdigil  Ee  Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna dilkaan daba socdaa dilalka xagga beelaha la xiriira ee Gobolka ka taagan.

Raggii dadkaan dilay, ayaa la soo sheegayaa inay isaga taggeen goobtii ay dilka ka geysteen, mana jirto cid la sheegay inay ku baxday maleeshiyada dilka geysatay.

Mid ka mid ah dadka degan Magaalada Marka, ayaa soo sheegaaya dilalka ka dhan ah beelaha, in si weyn looga dareemay wadada u dhaxeyso Marka iyo Afgooye.

Dowladda Soomaaliya waxay ku fashilmatay inay isku soo dhoweyso beelaha ku sii kala fogaanaaya, xiisada u dhaxeyso ee ka jirta Shabeellaha Hoose.

markacadey--620x330

Idale News Online, Markacadey.