Qaraxyo Weyn OO ka dhacay Magaalada Kismaayo, Ee Gobolka Jubadda Dhexe.

0
193

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Raas kambooni ayaa Xalay lagu Weeraray Bambaanooyin,kuwaas oo loo geeystay Dhimasho iyo Dhaawac.

Teaser Image Qaraxyo ka dhacay Magaalada KismaayoSaldhig Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Raas kambooni ay ku leeyihiin Xaafada Aargada ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu qaaday Weerar Bambooyin ah,waxaana inta la Xaqiijiyey ku Geeriyooday Labo Askari oo ka tirsan Raas kambooni.

Maxamed Xasan  Nuur oo ka mid ah Dadka Magaalada Kismaayo ayaa Idale News Online  u sheegay in Koox la aaminsan yahay in ay Al-shabaab yihiin ay Weeraraka qaaden,wuxuuna intaa ku daray in ay jiraan Dad Shacab ah oo dhaawac soo gaaray.

Dadka Dhaawacmay ayaa waxaa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Rasaas ay Fureen Maleeshiyada Kooxda Raas kambooni ee Xalay Werarka lagu qaday.

Horjoogeyaasha maleeshiyada Axmed Madoobe wali kama hadlin Weerarkii Xalay Askarta looga dilay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Idale News online – Kismaayo