Qarax Lagu Weerarey Mas’uul ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

0
197

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe qarax ayaa lagu weeraray masuul ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa masuulkaan waxaa lagula eegtay Xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar.
Dhaawac culus oo qeybaha hoose Jirkiisa ah ayaa kasoo gaaray qaraxaasi lala eegtay masuulkaasi ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaana hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Jowhar.
Ruuxa qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Daahir Maxamed Kaanti oo ah madaxa dabagalka Dhaqaalaha Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Xilliga qaraxa lagu weeraraye, ayaa wuxuu ku sugnaa Xaafada Hantiwadaag, gaar ahaan Laanta Geeloow Jaaw lagu magacaabo, waxaana bamka ku tuuray ruux dhalinyaro ah oo goobta ka baxsaday.
Ciidamada ammaanka Degmada Jowhar oo goobta soo gaaray, ayaa halkaasi waxa ay ka sameynayaan baaritaano ay ku raadinayaan ruuxa ka dambeyay bambada lagu tuuray masuulkaasi ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Shalay ayeey aheyd markii ciidamada ammaanka Degmada Jowhar ay gacanta kusoo dhigeen Waxyaabaha qarxa oo ku jira Bacmadoow oo la dhigay Bartamaha Magaalada.
qaraxa-fiyooraha-8Idale News Online, Jowhar