Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku dhawaaqay in ay Joojiyeen Canshuur qaadisti Degmada Afgooye Sababo Amaan awgeed.
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Afgooye Xuseen Jabriil Warsame oo la hadalay Warbaahinta ayaa sheegay in Amaan Xumo Awgeed ay u joojiyeen Canshuur Qaadistii Degmada laga waday.
Xuseen Jabriil Warsame ayaa sheegay in Amaankii Degmada Afgooye uu faraha kabaxay islamarkaana Beegsi lagu hayo Ciidamada Dowladda Hoose ee qaabilsan qaadista Shanshuurta.
Gudoomiye Kixigeenka ayaa sheegay in ay marka hore Xaqiijinayaan Amaanka Dagmada kadibna ay dib u bilabayaan Qaadista Canshuurta.
Degmada Afgooye ayaa Maalmaan Denbe ka dhacayey Dilal Qorsheeysan oo lagu hayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Idale News Online – Afgooye