DHAGAYSO Xildhibaan Dalxa ”Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Xilka Ayaan ka Qadayna Iyaga Mudan In Laga Qado xiligani”

0
176

Iyadoo Weeraro ismiidaamin iyo Dagaal culus lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa arrintaasi Siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaanad Dowladda FS.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada ugu caansan Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdooyinkii Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee is xig-xigay lagula xisaabtamaayo Madaxda Dowlada Somalia.
Waxa uu sheegay in Xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka uu ahaa mid lagu degdegay, isagoona Tilmaamay in Casilaad taa lamid ah ay ku sameyn doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha isagoona cadeeyay qaladaadka dhanka Ammaanka ah Mas’uuliyada ugu horeyso ay qaadayaan Madaxweynaha iyo RW.

Halkaan ka dhageyso Hadalka Xildhibaan Dalxa

Sidoo kale, waxa uu Cadeeyay in xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ay la xisaabtami doonaan masuuliyiinta dowlada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arin fool xun ay tahay in Alshabaab mar labaad ay ku dhiiradaan weerar ay ka geystaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha kale ee dowlada Soomaliya, wuxuuna ku hanjabay in dhacdooyinkaani foosha xun ay jawaab ka bixin doonaan, isagoona Tilmaamay in Baarlamaanka ay si degdeg ah u gudan doonaan Wajibka ka saran la xisaabtanka Madaxda Dowlada.

dalxa1

Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa iyaguna ku goodiyay inay howl ka qabsan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha iyagoona fashil ku tilmaamay Dowladda Xassan sheikh, halka Xildhibaanada kalane ay ku hanjabeen in Xasan iyo C/weli ka dambeyn doonin muddo dheer.

Dhanka kale, Hanjabaadaha Xildhibaanada ayaa waxa uu imaanayaa xilli min laba mar weeraro culus lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka.

Idale News Online