Tacsi: Maxmed Aadan Qalaf Shangole oo Ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho.

0
231

Allaha ha u naxariisto waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday kabtankii ugu horreeyay ee xulka qaranka Soomaaliya, Maxamed Qalaf Aadan Shongole.

Marxuumka ayaa muddo ku xanuunsayay Isbitaalka Dasuuqi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sidda ay sheegeen ehelkiisa.
Shangole ayaa ahaa halyeey Sports wuxuuna uu hoggaaminaayay xulka qaranka Soomaaliya xilli lagu cayaarayay caga caddaan oo kabo aaney jirin kontomaadkii.

Wuxuu ahaa nin caan ka ah Soomaaliya oo aad loogu qadariyo kubadda cagta iyo noocyada cayaaraha.

Maxamed Aadan Qalaf Shangole In uu ahaa halyeey Sports waxa uu ahaa nin Soomaalinimada iyo wadanimada ay ku weyn tahay oo aan jecleen qabiilka.

Marxuumka ayaa muddo ku soo jiray guddiga olombikada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga olombikada ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1934-kii, isagoona cayaartii ugu horreysay la yeeshay kooxda Italia sannadkii 1955-kii.

Haddaba Bahda Idale News Online waxay Alle uga baryayaan marxuumka in uu Janada ka waraabiyo.

shangole_1-300x225

Idale News Online, Muqdisho.