Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax Miino uu ka dhacay Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi ku Taala Degmada Baled-xaawo oo ay Xiligaa ku sugnayeen Dad Masoomayal ah.
Inta la og yahay Qaraxa ayaa waxaa ku Geeriyooday 5 Ruux oo ay ku jiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Maqaaxida ku sugan iyo Dad Shacab ah, inkastoo ay jiraan Warar sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 9 Qof.
Cabdi Buule Cabdille oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Idale News Online u sheegay in Qaraxa uu ahaa Miino Maqaaxida lagu xiray, halkaa oo ay Dad Masoomayaal ah Cuno ka Cunayeen.
Dhaawaca ayuu sheegay in uu gaarayo Toboneeyo Ruux oo Shacab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iskugu jira.
Wixii Faah-faahin ah kala soco Shabakadda Idale News Online
Idale News Online, Baladxaawo.