Daawo Sawiradda: Qoysas Tabaalaysan Oo La Gaarsiiyay Raashin Afur Ah.

0
180

Dadka tabaalaysan oo ku dhaqan  degmada  Hodan ayaa  maalintii Lixaad ee bisha Barakaysan ee Ramadaan ka faa’iidaystay raashin afurin ah oo ay bixinayso Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,oo lagu tala galay dadka aadka dhaqaalahoodu u hooseeyo.

Nuur Axmed Diiriye gudoomiyaha laanta afraad ee degmada hodan oo galabta qayb ka ahaa bixinta raashinkan bisil ee loogu tala galay inay ka afuraan dadkan danta yar ee ku dhaqan degmadaasi, oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horey si weyn uga mahad celiyay  kaalmadaan afurka ah ee maalintii lixaad ay ka wado Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.

Maryan Cali Daahir oo ah horjoogayaasha dadkan la quudinayo ayaa si aad iyo aad ah ugu mahad celisay Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo kaalmoo maalmahan danbe ka wada xeradan Agoonta ee degmada Hodan Laanta Afaraad, waxayna sidoo kale tilmaamtay inay jiraan baahi intaas ka badan oo haysta dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmadaasi,xili lagu jiro bishii barakaysan ee Ramadaan  iyadoona ay jiraan roobab lixaadle oo maalin shanaad ka Da’aya Caasimada Muqdisho.

Siday u bilaabatay bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qaybo kamida gobolka Banaadir waxaa ka socotay gaarsiinta Kaalmooyin iyo gargaar ka imaanaya dowladaha Qatar,Oman,Kuwait iyo Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta  oo balan qaaday inay bixin doonaan inta lagu guda jiro bishan Barakaysan Kaalmooyin iskugu jira Cuntooyin ,Dhar iyo Gargaar kale oo ay ugu tala gashay dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

QoRaashin Afur Ah  IMG_7027 IMG_7033 IMG_7042 IMG_7062 IMG_7064 IMG_7068 IMG_7071 IMG_7074

Idale News Online

C