Hogaamiyaha Sare Ee Lixda Gobol Madoobe Nuunow oo Furka Tuurtay Muxuu Ka Hadlay.

0
201

Madaxweynaha maamulka lamagac Baxay Koonfur galbeed Ee Lixda gobal ayaa mar Kale  diray  hanjabaad xoogan taa oo ku saabsan heshiiskii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo sidoo kalemaamulka kale ee kasoo horjeeda.

Waxa uu sheegay in Baydhaba Janaay laga doonaayo in xubnihii Muqdisho ku shiray inay yimaadaan, waxaana uu sheegay in isaga wax uusan raali ka ahayn aysan socon doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anaga ayaa maamulana Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, Muqdisho wixii ka dhacay hadaad run moodaan kaalaya Baydhaba imaada, anaga ayaa talaabo idiin ka qaadi donnee”

Siyaasadda guud ee Koonfur galbeed aad ayeey isku bedashay, waxaana laga baqanaayaan in magaalada Baydhabo ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya Labada dhinac.

Nuunow

Idale News Online,Baydhabo.