Wararka shabakadda Saadaal Media ay ka heleyso degmada Hiliwaa ayaa waxay sheegayaan in dagaal fool ka fool ah uu ka socdo.
Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ALsbabaab waxaana soo qaaday weerarka Alshabaab.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Saadaal ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu sababay dagaalka oo labada dhinac iyo dad shacab ah.
Mid kamid ah baabuurta gaashaaman ee AMISOM ayaa la xaqiijiyay in la gubay oo uu bas beelay kadib markii dagaalyahanada ALshabaab ay la dhaceen qoryaha culus oo ay ku jiraan kuwa garabka laga tuuro.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay billowday qorshaha Nabad ku afur oo noqon doona mid lagu sugo ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Ramadaan maadaama ALshabaab ay ku hanjabeen geysashada weerarro khasaare dhaliya.
Idale News Online