Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay xalay munaasabadda calan saarka 26-ka Juun oo ku beegnayd saqdii dhexe ayaa ka hadlay xornimadii gobalada waqooyi ay ka qaateen Ingariiska.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsan yihiin 26-ka Juun in ay xusaan isla markaana ay ku damaashaadayaan xornimo ay u soo dhinteen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan u hambalyeynayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Hargaysa, waqooyiga Soomaaliya oo ah meesha calankan laga taagay waan u hambalyeynayaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha Jambhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay u dabaaldegaan todobaadka xoriyadda, madaxweynaha ayaa soo hadal qaadin Somaliland isagoo ku gaabsaday “Umadda degta waqooyiga Soomaaliya ee Hargaysa”
Hadalkan xalay wuxuu ka sheegay munaasabad lagu weyneynayay 26-Juun oo umadda Soomaaliyeed ku ah taariikh aad u weyn.
Idale News Online, Muqdisho.