Mdaxweynah weynaha oo xilka ka qaaday Talyihii Ciidamada & Abaanduulihiisa oo Lagu Eedayey Hurin Colaada ka Taagan Gobolka Shabellaha Hoose.

0
185

Warar lagu kalsoonaan karo islamarkaasna ay warbaahintu heshay, ayaa sheegaya, in M/weyne Xasan Shiikh, uuXilalkii ka Eryay Taliyihii Ciidamada XDS Gen Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo sidoo kale Abaan duulihii Ciidamada Xooga Gen Cabdi Risaaq Khhaliif Cilmi isla markaana Xilalkaas uu u magacaabay Saraakiil kale .

Wararka ay Heleyso Warbaahintu ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan uu Saacadaha soo aadan ku dhawaaqi Doono saraakiisha Cusub Ee uu magacaabay Iyadoo la sheegayo in Taliyaha Ciidanka Xooga loo Magacaabay Gen Cabdulaahi Cali Caanood Halka amaan Duulaha Ciidan loo magacaabay Gen Cagey oo ahaa Taliyaha Guutada Hilaac .

Warkaan oo aan ka helnay saraakiil Milatariga ka tirsan oo ay Aad iskugu dhawyihiin  Taliyaasha la badalay waxaana lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo  Magacaabista Taliyaashaan oo hada qaban qaabada ku dhawaaqistoodu ay socoto .

Gen Caanood iyo Gen cagey ayaa waxaa ay Horay u kala ahaayeen Taliyaash Guutada labaad iyo Guutada 3.aad Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaana Xilalkaas laga qaaday Markii Xilka loo Magacaabay Taliyaasha hada la badalay waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in Taliyaasha la magacaabay ay yihiin kuwo wax badan Badali kara oo xirfad u leh Arimaha Ciidamada .

 Idale  News online.