Dhageyso Ex-Xildhibaan Cali Seeko oo ka soo jeeda Beesha Muqdisho oo dagaal ku baaqey, & AMISOM & IGAD oo digniin u diray…

0
235

sadexda-masuulEx. Xildhibaan Cali Seeko oo ka soo jeedo beesha Habar Gidir oo warfidiyeenada gudaha dalka la hadlaayey ayaa si aad ah u naqdiyey heshiiskii dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku gaareen Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD

Cali Seeko ayaa sheegey in gobolka Shabeelaha Hoose yahay gobol ay beeshiisa ay leedahay sidaas darteedna aysan  suurtogaleynin in lagu daro Bay iyo Bakool  waa sida uu  hadalkiisa u dhigaye.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/06/seeko.mp3|autostart=yes]

Gobolka Shabeelaha ayaa ah gobolka Soomaaliya ugu qeyraadka badan isla markaasna lagu tiriyo inuu yahay kan labaad ee ugu weyn marka laaga reebo gobolka Bari ayaa waxuu xudun dhexaad u naqdey khilaaf soo jireen noqday iyo dagaalo sababey dhimasho iyo barakac balaaran.

Dhanka kale, Urur goboleedka IGAD oo ciidamo ay ka joogaan, xoogaga AMISOM madaxdooda oo shir albaabada u xiran yihin ku yeeshey xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa diyaarinaaya hirgelinta heshiiska dhinacyada KG ku saxiixeen Villa Somalia, iyagoo digniin u diray kooxaha caadeystay inay huriyaan dagaalka iyo deganaansho la’aanta dalka.

Beelaha Digil ee inta badan dega gobolkaas ayaa  iyagu aanan si cad uga hadlin dagaalada gobolkooda ku soo noqnoqday, hase ahaatee la rumeysan yahay in ay taageero  u haayaan ka mid ahaanshahooda Beelaha walaalahooda ah ee  gobolada Bay iyo Bakool.ale

 

Idale News Online. Wanlaweyn.