Dhageyso: Dowlad Gobleedka Puntland oo Soo Dhaweysay, Aqoonsiga Maamulka KG soomaaliya.

0
184

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ayaa waxaa uu ku aqriyay Bayaan ka soo baxay Maamulka Puntland ee lagu Taageerayo Maamulka Sadaxda Gobalka ee Koonfur Galbed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://radiokulmiye.com/knn/wp-content/uploads/2014/06/pe.mp3|autostart=yes]

Afhayeenka ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta oo ay Taariiqdu ku began tahay 24-06-2014 Maamulka Puntland uu si rasmi ah u tageersan yahay Maamulka ka Kooban Bay-Bakool iyo Sh/Hoose.

Waxyaabaha ugu Muhiimsanaa ee Bayaanka ku xusnaa ayaa waxaa ka mid ahaa in Puntland ay kaga mahad celineyso qof kasta oo ka qeyb qaata isu keenida shacabka ku dhaqan Bay-Bakool iyo Sh/Hoose,kuwaasi oo go’aansaday in ay sameystaan Maamul iyaga u gaara.

Sidoo kale Afhayeenka Puntland waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in xeelado dhinaca Farsamooyinka Maamulka ah ay siiso Maamulka ka Kooban sadaxda gobalka ee Konfur galbeed Somalia.

Hadalka Puntland ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Iyadoo dowlada Federaalka Dalka Somalia si cad ah u sheegtay in ay taageer san tahay Maamulka ka Kooban gobolada Bay-Bakool iyo Sh/Hoose.

puntland

Idale News Online, Garawe.