Dowlada Maraykanka oo soo dhaweeysay maamulka 3-da gobal ee Koonfur galbeed.

0
233

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay heshiiska ay gaareen maamulada iska soo horjeedo ee Koonfur Galbeed.

Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Maraykanka uu soo dhaweenaayo heshiiskaas wuxuuna ku tilmaamay mid taarikhi ah.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay sameeyeen waxyaabo muhiim ah shacabka ku dhaqan gobalada la isku heestay.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Maraykanka ay taageersan tahay maamulka seddaxda gobal.

Dhinaca kale, Ergayka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nick Key ayaa isna soo dhaweeyay heshiiska ka dhacay Villa Somalia, wuxuuna ku tilmaamay mid horseed u ah nabadda Soomaaliya.

Key ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay la yimaadaan tanaasulaad iyo in ay sameestaan maamul loo dhan yahay oo wax u qabata shacabka ku dhaqan seddaxda gobal.

Shaley ayey ahayd markii ergooyin ka socday labada maamul ee koonfur galbeed ay heshiis ku gaareen magaalada Muqdisho.

Maraykanka iyo QM oo soo dhaweeyay maamulka 3-da gobal ee Koonfur galbeed

Idale News online, Muqdisho.