Mardaadi oo Dhaliiley Dowlada Soomaaliya Xilli Gabalku uu Dhacey ( Gari Labo Nin kuma wada Qosliso).

0
206

Madaxweynaha maamulka Shabeele State Abuukar Cabdi Cismaan “Mardaadi” oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay shalay aqoonsatay maamulka KMG ee koofur galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Mardaadi ayaa aqoonsigaasi ku tilmaamay xad gudub lagu sameeyay maamulka Shabeele State oo sheegta inay ka taliyaan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in arintaasi ay ka dambeeyeen dad wata dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna cadeeyay inaysan aqbaleynin natiijada ku saleysan aqoonsigaasi.

Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya iyo caalamka marka laga soo tago ay aqoonsi ka rabaan shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mardaadi ayaa sheegay in shacabka Shabeelaha Hoose ay doorweyn ka qaateen dhismaha dowlada uu iminka Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud, iminkana sida uu sheegay la doonayo in la gumaado.

Aqoonsigii dowlada Soomaaliya shalay ay siisay maamulka KMG ee Koofur Galbeed oo ka kooban dhinacyadii seddexda gobol oo lagu biiriyay lixda Gobol ayaa keenay in dhinacyo badan ay ka horyimaadaan.

Mardaadi

Idale News Online, Afgooye.