Maamulka Koonfur Galbeed oo Ku Baaqey In Laga Wada Shaqeeyo Hormarinta Degaanada Maamulkooda Uu Ku Magacaawan yahay.

0
200

Masuuliyiinta maamulka KMG ee Koonfur Galbeed oo dowlada Soomaaliya ka helay aqoonsi buuxa ayaa ku dhawaaqay in shacabka gobolada ay matalaan looga baahan yahay inay taageeraan maamulkooda.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ee koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa Idaacada Risaala u sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada ay ka arimiyaan.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Wasiirada, Xildhibaanada iyo shacabka goboladooda ay ka dalbanayaan in laga fogaado wax walba oo dagaalo qabaa’il abuuri kara, oo keeni kara carqalad ka dhalata deegaanada maamulkooda uu ka taliyo.

Maxamed Xasan Fiqi, madaxweyne ku xigeenka Maamulka koofur galbeed ayaa dhanka kale ka hadlay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha maamulka lixda gobo lee ku aadanaa inuu qaadacay ama ka hor yimid natiijadii kasoo baxay kulankii shalay.

Wuxuu sheegay in hishiiska ay shalay saxiixeen ay ku jireen masuuliyiin matalaysay maamulka koofur galbeed ee lixda gobol ayna la saxiixdeen iyadoo marqaadi ay ka ahaayeen dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Qodobadii lagu hishiiyay waxaa kamid ahaa in la qeybsado maamulka koofur galbeed, iyadoo la sameeynayo gudi arimahaasi ka shaqeynaya oo kala matalaya dhinacyada hishiiyay iyo dowlada Soomaaliya.

Koonfur galbeed
Idale news Online, Muqdisho.