Tartanka gobalada ee kubadda cagta Puntland oo galabta la soo gabagabeenaayo.

0
225

Waxaa galabta haddii alle weynaha uu oggolaado lagu wadaa in la soo gabagabeeyo tartanka kubadda cagta gobalada ee Puntland, kaasoo maalmahan ka socday garoonka Mira Cawaale ee magaalada Garoowe.

Waxaa isugu soo haray gobalada Sool iyo Nugaal, kuwaasoo nasiib u yeeshay in ay ka soo baxaan sagaal gobal oo uu tartanka ka dhexeeyay.

Waxaa la filayaa in cayaarta Fiinaalka ay ka soo qeybgaleen madaxda Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay in ay ka soo qeybgalaan xiritaanka tartanka.

Si kaskataba, tartanka ayaa soo billowday 10 bishan, waxaana uu ahaa mid siweyn uga badalan tartamadii hore ee la soo dhaafay sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta cayaaraha ee maamulka Puntland.

Waa tartankii 7-aad ee la qabto tan iyo markii ay billowdeen cayaaraha gobalada ee Puntland.

Akhriste naga filo sawirro iyo natiijada cayaaraha in shaa allah.

Midnimo waa bog cayaaraha Soomaalida si weyn kor ugu qaada, maadama warbaahinta ay door ku lee yihiin hanaqaadka Cayaaraha/ Sports guud ahaan.

Tartanka-Ciyaraha-Pintland-Garowe-6-600x400

Idale News Online, Garawe.